Waxaa laga cabsi qabaa in abaaraha baahay ee ka taagan Somaliland oo laga casbi qabi inay isu rogaan macaluul.

 

Waxaa laga cabsi qabaa in abaaraha baahay ee ka taagan Somaliland oo laga casbi qabi  inay isu rogaan macaluul.

Golisnews, ( 17 March 2017) Abbaaraha ka taagan waddanka Somaliland ayaa kasii daraysa marba marka ka danbaysa. Abbaarahan  oo sababtay roob yaraanta ka taagan gobolada bari ee Somaliland, waxay ka bilaabantay oo ugu daran gobolka Sanaag iyo Saraar. Roobkii guga ee dalka ka da ay sannadkii hore 2016kii  aa buu uyaaraa, waxaanu ka dib dhacay wakhtigii looga bartay inuu da’o baanu habsaamay waxaanu curtay dabayaaqadii bishii afraad, waxaa u weheliya intaas roobkii di’I jiray xilliga dayrta ayaa isna aan kaba curan gobolo badan oo Somaliland katirsan gaar ahaana gobolada bari ee dalka, waxaana roob la’aantani saamayn taban ku yeelatay nolosha bulshada ee ku nool gobolada bari ee dalka gaar ahaan Sool, Sanaag, Saraar, Saaxil iyo Togdheer. Waxaa kaloo iyana abaarahaas laga dareemay dhulka hawdka gaar ahaana degeenada hoos taga deegmooyinka gaashaamo iyo darroor oo iyadana aanay helin tusaskii biyaha dayreed ee sannadkii hore.

Haddaba abaartan ku habsatay  dhulka Somaliland iyo meelo kale oo kamid ah badhtamaha iyo koonfurta Somaliya ayaa saamayn ba’an ku yeeshay nolosha dadka iyo xoolahaba.

Xukuumadda Somaliland ayaa hawlgelisay guddida abbaaraha ee la magacaabay abaarihii hore ee k qarxay dalka gaar ahaana gobolada galbeed.

Guddida abbaaraha ee Somaliland iyo xukuumadda ayaa usoo uririyey dhaqaale si loogu fidiyo gurmadka dadka iyo duunyadaas tabaalaysan oo lala gaadhay biyo iyo raashin.

Waxaa kale iyana caawimo raashin u badani ka yimaadeen beesha caalamka gaar ahaan waddamada aan jiiraanka nahay iyo kuwa carabta, laakiin caawimooyinkaas imanaayey may ahayn kuwo daboolaha baahida bulsho ee dadkaas ku tabaaloobay abbaaraha.

Caawimada ugu badani waxay ka yimaadaan dadka qurbajooga ah ee iyagu si gaar ah isaga xilsaaray inay u gurmadaan dadkoodaas ay abaaruhu wax yeeleeyeen, waxaana qurbajoogu arrimahaas u wadan si shakhsi ah iyo si koox koox , beelo iyo degmooyin u abaabulan. Waxaa iyana gurmadkaas ka qayb galay dadka shacbiga ah ee jooga  degmooyinka, iyo magoolooyinka waaweyn. Waxaa iyana gacan ka gaystay gurmadkaas dadka baahan ardayda, culaamaadiinka iyo tujaarta,

Waxaa jyadana ay gabaadsi yihiin biyaha iyo baadka dadka ku sugan gobolada galbeed ee dalka oo ay uguureen reer guuraa fara badan oo kasoo guuray gobolada bari oo xoolahoodii iyo dadkoodiiba usoo raray gobolada galbeed ee Somaliland.

Abbaarahan daba dheereeday oo sida hay’adaha samafalku ku qiyaaseen waxay sheegeen inay saamaysay  ku dhawaad 2 milyan oo qof oo ku nool Somaliland, sidoo kalena waxaa xoolihii ka baxeen oo barokacay meelihii ay joogaan ilaa iyo 400000 (afar boqol kunoo oo qof)

Haddaba gurmadkan ayaa ah wax aad u kooban oo aan marnaba daboolayn baahida dadka iyo xoolaha oo samayn badan ay ku hayso abaarahani, taasoo ay keentay inay  tarab taradh u dhinteen xoolihii dadku haystay oo ahaa lafdhabarta dhaqaale ee dalka. Waxaana la sheegay in xoolihii dadku haystay ilaa boqolkiiba 80 ay dhinteen.

Dadka iyo xoolaha soo hadhayna waxay badankoodu ka barakaceen bartii ay deganaayeen waxaana boqolaal qoys oo dadkaas ka tirsani ay kusoo qaxeen tuulooyinka iyo magalooyin ka ku dhaw oo ay ku yihiin qaxooti taasoo loo baahan yahay in fiiro gaar ah lasiiyo dadkaas baro kacayaasha ah, halka kuwo kale oo badinina ay wali ku sugan yihiin degaankoodii laakiin ay dad iyo xooluhuba ay aad u jlicsan yihiin oo aanay xitaa gaadhi Karin tuulooyinka ku dhaw si ay xoolahooda ugu doonaan biyo.  Waxaana ay u baahan yihiin dadkan iyo xoolahiba in halkooda loogu geeyo biyo iyo baad si loo bad baadsho nolosha  aadmiga iyo xoolaha halkaas ku dhaqan.

Waxaa kale oo dalka badankiisa gaar ahaana gobolada bari kasocday biyo dhaamis, waxaana aad u yar biyaha oo hadda laga heli karo oo qudha degmooyinka iyo magoolooyinka waaweyn ee riigagga leh, waxaana lagu dhaamiyo booyado, waxaana sare u kacay qiimaha fooxtada biyaha ah oo aan dadka badankiisu goyn Karin, taasoo degaanadaas abaartu saamaysay looga cabsi qabo inay dad badani harraad u dhintaan iyo silic.

Haddaba sidii ay dhawaan ku dhawaaqeen guddida gurmadka abaaruhu waxaa laga cabsi qabaa in abaartaasi ay isu rogto macaluum faraha ka baxda oo xooluha intoodii badnayd way baxeena ay abaartu galaafato nolosha dad badan oo xoolo dhaqato ah oo naftoodu halis ugu jirto inay u dhintaan harraad iyo gaajo awgeed.

Ugu danbayn waxaa maamulka Golisnews ugu baaqayaan xukuumadda haydaha dawliga ah iyo kuwa caalaamiga ahba inay u gurmadaan bulshadaas tabaalaysan oo halis ugu jira inay u dhintaan gaajo iyo harraad. Waxaana loo baahan yahay in gacmaha lays qabsado oo gurmad deg deg ah lalasoo gaadhaas dadkaas baahan ee ku waxyeeloobay abaaraha  badan ee waddanka ka jirta.

 

Shabakadda wararka ee Golisnews.

 

 

No Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *