WAA GABAYGII AFARAAD EE GABAYADII ABYAN MAXAMED CAWED…………..
January 10, 2019 - Written by Golisnews Editor

Gabaygan soo socda waxa tiriyey abyan maxamed cawed waxana idinla socodsiinaya mahad maxamuud cige (aleeli) waxana la yidhaahdaa ARDAA.

Wuxuuna ku saabsan yahay:- nin habarjeclo ah ayuu abyan weydiistay gabadh ninkii baa marba xoolo keen ku yidhi inantiina hore ugu dhisi waayey.

Abyan intuu u yeedhay ayuu ku yidhi inantaadii way kuu fasaxan tahay xoolo waxaad iga hayseyna qaado ,ninkaad doontana kula xidid aniga waa iga fasax.

Ninkii inantii wuxuu siiyey nin reer daahir ah oo abyan adeerkii dilay ,goob dagaal ka dhacyo oo laba jifo isku dilayso ayaa lagu dilay.

Ninkii baa abyan kalmado yar oo gabay ah u tiriyey.

Wuxuuna yidhi

 

CAWADKII SUGAAL DILAY ,HADUU CADARA KAA QAADAY

AAN CUUDNA KAA TIRAY ,WALEE KUUMA CIIL QABO’E

 

Abyan oo ka jawaabaya gabayga ninkaa wuxuu yidhi:-

 

ILMAADEER COLOWDIYO ,TOL  AY  AANO KA GAADHAY

QOLUUN BAA ASAAYAHA DAGAAL ,INIQI RAACDAA’YE

ARBAYAASHA LOOLAMAY ,INTAAD KALA ASTAYNAYSO

ARDAA UMA MADOOBAAN SUGAAL ,EE AARAR BAW UGO’AY

SIDII AABAHAA LAGAMA DHIGIN ,AWR DHURWAA CUNAY

ANAGU WAA U AARAA NINKUU ,UUMIYUHU DILO

QORAXDAAN IKHRIIQ NOQONIN ,BAAN U AJALAA DHAWR’E

BALSE INAAD AQOON DARAN TAHAY,OO ARAGU KAA LEEXDAY

KUWAANU UURKA WADA SEEXANEE ,AABE IGU RAACAY

WAXAAD IIGU ANAFOONAYSAA ,OOSHA REER CUMAR

ABTIRSIINYO LAAN-DHEER AH ,IYO URURTA GUULEED AH

SAW INAAN UHDII AHAY ,KHALQIGU KUMA OGAYSIIYO

MAALINTAAD IRDHAHA REER SICIID ,MAGANSI OOYEYSEY

WAA AAMINAA UGA BAQDEEN ,IBISHAY SOOCDEEN

EEGMADA BAKAYLAHA MARKAAD ,II IL BALACLEYSEY

ILLAAH BAAN KA YAABAY ,OO NAFTAA URISEY JIIDHKII

HADDAAN AWLAXAYGAA KU SUDHO ,MAAD ASKUMANTEEN’E

 

DIYAARINTII:-GOLISNEWS /HARGEYSA OFFICE

 

 

COMMENTS
GOLIS TV
Highlights