HALKAN KA AKHRISO GABAYGII MAHURAAN EE UU TIRIYEY ABYAN MAXAMED CAWED
January 10, 2019 - Written by Golisnews Editor

BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM

Waa gabayga labaad oo uu leeyahay abyan maxamed oo aan halkan idinkula wadaagayo oo ah MAHAD MAXAMUUD CIGE (ALEELI) gabaygani wuxuu kusoo baxay nin la odhan jiraya cige muuse Oo ay isku qabiil ahaayeen abyan ,ayaa nin ay ilmaadeer ahaayeen ka yimi miyiga somaliya oo abaari ka dhacday iyaga oo nayroobi jooga.

Dabadeedna ninkii cige waxba wuu siin waayey ,ninkii wuu xanuusadey dabadeed abyan ayaa ninkii gurigiisa keenay oo daweeyey oo wax walba u qabtay.

Dabadeed abyan wuxuu tiriyey gabay magaciisa la yidhaahdo MAHURAAN……..

 

HAL AGOONI MAASHAAN AHIYO ,HEBED LA NUUGAA’YEH

HOOBAAN BISLAATAAN AHIYO ,HALABO MEEL TAAL’EH

HILIN LUGU NASTAA BAAN AHIYO ,HADHAC LA SEEXDAA

SHIR LA HEELLAY HOOS IYO BANJAAD ,GACAL IS HAARAAMAY

HUMAN RAACA GOLAHA AYAA BAKHAYL ,HILIB DHAQAAQAA’YE

ANSEH WAXAAN HOGGAAN UGU XIDHAA ,HEETIYAHA GOOL

HAWLAHA  ADUUN YUUSUFOOW ,HAARTA KUGU TAALLA

HINDHISADIYO TAAHII WAXAAD ,XALAY HIINRAAGEYSAY

MAHURAAN HADAAD LEEDIHIYO ,GACAL KU HOOMAAYA

ANOO HAYBTA NUUX KUULA SIMAN ,IIMA HOYATEEN

REER YUUSUF KUMA HAYN KARIYO ,HAARIBKII CIGE

HURIN REER SHARMAARKAA MARTIDA ,HIIFTA WELIGEED’E

MAR HADDII MAROODIGII HABSADEY ,HILLINKA NOO JOOGEY

ANUUN BAA KUSOO HADAY NIN AAD ,HEBEL TIDHAAHDAAN

BAL HAREERAHAA DAYA ,WAXAAN HADYAD SAYDHAAYO

 

DHAMAAD

 

 

DIYAARINTII:- GOLISNEWS /HARGEYSA OFFICE

COMMENTS
GOLIS TV
Highlights