HALKAN KA AKHRISO GABAYGA MIISAAN EE UU TIRIYEY ABWAAN ABYAN MAXAMED CAWED
January 10, 2019 - Written by Golisnews Editor

BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM

Waa Mahad Maxamuud Cige (ALEELI) Oo Halkan Ku Qoraaya Gabayadii ABYAN MAXAMED CAWED wuxuu Ahaa Gabyaa Weyn ,Wuxuu ku Dhashay Agagaarka Degmadda Xgal Ee Bariga Berbera ,Aakhirkii Qarnigii 19aad ,Wuxuu Dhintay 1976-dii ,Iyadoo La Sheego Inuu Cimrigiisu Ahaa 94jir.

Gabayaddiisu Waxay Aad Caan Ugu Ahaayeen Xagga Deeqdda ,iyadoo La Sheego Inuu Safka HOre Kagga Jiray Dadka Soomaali Ugu Deeqda Badan.

Waxay Aad Isugu Gabyi Jireen MAXAMED NUUR FADAL oo Ay ilmaadeer Ahaayeen  ,Gabayadoodii Waxay Socdaanba MAXAMED NUUR FADAL Wuu Ka Dhaartay Inuu ABYAN Ugabyo.

Tuducyaddan Soo Socda Waa Kuwii MAXAMED NUUR FADAL Kaga Dhaartay Inuu ABYAN Ugabyo Oo ABYAN Yidhi……………..

 

GADHKA LAGAMA EEGIYO,CIRRADA GUUDKA KAGGA TAAL

NIN HADDUU GABAAN HADAL KA YAHAY,WUU GAGABIYAA

WAA NAAG GARAYSKII KA DHACAY,GABAY XUMAADAA

GALMO KAMA WARAMO MAXAMADOOW,GOLLE NIN JOOGAA

 

Waa Tusaale ,Gabayadda ABYAN Nuxurkooda Iyo Qodobo Waaweynaantooda ,Gabayaddiisu Ma Dhaadheera Laakiin Waa Gabayo XAJUUR AH Oo Aan Qofka Ay Isu Gabyaan Ka Jawaabi Karin.

Waxaan Tusaale Usoo Qaadanayaa Labo Tuduc Oo Yar-Yar Oo Kale.

 

SOW UUR LIBAAX LUGUMA RIDIN,AAMIN IYO DAACAD

SOW SIDA AMXAAR GUREY, TOLKII HAATAN MA AHAANIN

SOW WAXAAN ILAAWABA ,NIN XUMI IMA OGEYSIIYO

HALKAAN AA KA LEEYAHAY ,ILAAH KELIYA UUN BAA OG

 

Waxba Yaan Tusaalihiisa Ku Raagine ,Waxaan Halkan Ku Qorayaa Gabay Uu Leeyahay Abyan Oo Layidhaahdo MIISAAN.

Wuxuu kusoo Baxay Gabaygaasi :-Abyan Wuxuu Ahaa Wakhtigaa Nin Taajira Oo NAIROBI Degen ,Dabeedna Nin Ay Ilmaamti Yihiin Oo Dhulbahante Ah Ayaa Abyan Nairobi ugu Tegey Dabadeedna Abyan Bay Meel Ku Wada Qayileen ,Dabadeed Wuxuu Ku Yidhi Hadaanu HARTI nahay Habarjeclo Caynabaanu Ka Qaadaynaa Ooy Hore Noogga Qabsadeen ,Markaa Halkaasaan U Xoolo Doonanayaa Qorri JIDHJIDHGAYDH ah ii Iibi  ,Ninkii ABYAN Wuu Iska Ilaaway Cid Uu Yahay ,ABYAN Wuxuu Ku Yidhi Dabeed Habeen Dambe Lacagta Qoriga Arooskaa Ugu Kaalay.

Dabeedna Gabaygan Ayuu Tiriyey:-

 

MURTIDDA GABAYGA WAA LAY’YAQAAN,WAANAN MARIYAA

GOLLE AAN LAYGA MAARMIN ,IYO MADASHA LAY’YEEDHYE

MIIDAAN HADDII AAN FADHIYO ,MAANSHA LAGA BUUXO

MIDH XUN KUMA TAYAAQO ,EE KHALQIGA WAA MUTAMIYAA

MARKAASAY SIDII MAYL DHAMBAAL ,MUDUG NA GEEYAAN

AFARTAA INTAAN MIIM KA DEYEY ,MAAYAD MA U YEELAY

MURSHAD LUGU DHAWAAQO ,IYO XADIIS MOW MURQANADEEYEY

MAKA MADHIYEY DAYL-QAAF ,INTAAN XARAFKA MIISAAMAY

CIRKA OO MILSHIGII SOO GALAY ,OO MAALKA KA HILAACAY

OO MAYEY DARUUR IYO , QAYOOD MAASHA SOO KICIYEY

AMA GULUF MAJIIRAHA TOLKAY, QOLO KU MOOSAAYO

AMA FARAS MAQAAMA LEH ,MIYAAN MUUJEY ARARTIISA

WAXAAN AHAY MAHSHUUR LAGU ,HIRTAA MAALINTII BA’AN EH

MAGOOLKII ISAAQ BAAN AHAY ,IYO MIIDHII SAADDADA’E

MANKA SAMATAR IYO CIIDA-GALE ,ARABKA MIIL QAATA

MAROODIGA ISMAACIIL CARRE ,IYO MIIDHA HABAR-YOONIS

SACAD-MUUSAHA AAN LAGU MURTAMIN ,MAAHIRADA CIISE

MADAXDII AYUUB IYO TOLKAY ,MAQAN HADAAN KEENO

TOL-JECLAHA MALYUUNKA AH ,HADAAN QAYLO MAQASHIIYO

MILATERIGA XOOGGA LEH HADAAN ,BARRI KASOO MOOSO

AAN ANIGU MADAXDA U AHAY ,IYO MAARSHALKII JANANKA

MACBUUDKAAN KU DHAARTAY ,IYO ALLIHII MAALIGA AHAAYE

MUSLIMNIMO DARAADEED HADAANAN ,IDINKU MUUNAYNIN

MINTID LA IDIN BOOBO IYO DIL ,BAAD MUDAN LAHAYDEEN

GEEDIGAAN MAJIIRAHA KU FURAY ,MADAXII YAAYIILKA

MAAXDAAN DANOOD KAGA CABAY ,IYO MIILADII HARADA

MARKA AAN MAQNAHAY BAA ,BIYAHA MIRAN TAQAANIIN

DALKII AAN MULKIYEY SEERAHAAD ,MAQASHAY WAA BEEN

ABTI HADALKA KAAN MEEL MARAYN ,WAA MAXLAALNIMO

MEER-MEER KU DAAQSADA DHULKII ,LA IDIN MAGANEE

 

 

COMMENTS
GOLIS TV
Highlights