DEG DEG War saxaafadeed shaacinta Barkulanka Beesha Akisho iyo Qodoba laga soo saaray
October 30, 2018 - Written by Golisnews Editor

WARSAXAAFEED  SHAACINTA  BARKULANKA AKISHO

Bismilaahi raxmaani raxiim  Bacda salaan waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa Barkulanka Beelwaynta Akisho iyo sababaha loogu dhawaaqay Hirgalintiisa .

Barkulankan oo ah goob ay Gacanta ku hayaan Aqoonyaho iyo suxufiyiin u dhashay Beelwaynta Akisho isla markaana ku hamiyaya kor u qaadida iyo sharafta beesha akishe,

Waa goob ay ku kulmayaan, laga abaabulayo oo laga hawlgelinayo Dhamaanba Beelwaynta Akishe .

Barkulankan oo ah goob ay Gacanta ku hayaan Aqoonyaho iyo suxufiyiin u dhashay Beelwaynta Akisho isla markaana ku hamiyaya kor u qaadida iyo sharafta beesha akishe, sidoo kalena soo gudbinaya duruufaha siyaasadeed iyo nololeed ee Deegaanada ay Beeshu Degto ( SOMALILAND /ETHIOPIA)

sidoo kale barkulankan beelwaynta Akisho ayaa ah In lagu soo dhaweeyo aqoonyahanka, ururada dhalinyarada, Gudaha dalka ( SOMALILAND /ETHIOPIA) iyo ururada dhalinyarada Qurbajoogta beelwaynta Akisho sidii ay wada shaqayn buuxda u yeelan lahaayeen .

barkulankan Akisho Waa Goob furan oo ayBeelwaynta Akisho ku soo hiran doonaan kuna kala warqaadan doonaan. Waxa sidoo kale laga hawlgelin doonaa ururada Haweenka ee beelwaynta Akisho ee gudaha iyo dibadaba iyo kooxaha dhalinyarada ah ee is abaabula, waajibna lagaga dhigi doono kor u qaadida Magaca beel waynta Akisho .

Guud ahaan Aqoonyahanka iyo Saxafiyiinta beelwaynta Akisho markay arkeen /Garawsadeen Midowga iyo isgaashaan buuraysiga ay samaynayaan Beelihii kale ee inala degaanka ahaa . waxay Soo jeedinayaan talooyinkan hoos ku xusan

1 ) Barkulankan waxa mamnuuc ka ah kala qaad qaadida iyo kala qoqobka beelwaynta Akisho .qofkii raba inuu  LOCAL (jufo jufo)  noqdo Beelwayntu  ma soo dhawayn doonto fikirkiisuna isaga oo kaliya ayuu ku koobnaan doonaa

2)  Aqoonyahanka iyo Saxafiyiinta Beeshu waxay Culumo Awdiinka waawayn ee beesha usoo jeedinayaan inay dhameeyaan wixii kala tabasho ah ee u dhaxeeya  Salaadiinka iyo Odayaasha waawayn ee Beelwaynta Akisho si beeshu hour socod siyaasadeed iyo mid nololeedba u samayso insha alaah .

3) Aqoonyahanka iyo saxafiyiinta reerku waxay usoo jeedinayaan Siyaasiyiinta Beesha Kor u qaadida Magaca Beelwaynta Akisho Waxayna uga digayaan kala qayb qaybinta iyo kala qaad qaadida Beelwaynta Akisho

4) Barkulankani wuxuu Amaan wayn usoo jeedinayaa Haweenwaynaha Beelwaynta Akisho  oo marwalba ka qayb qaata kor u qaadida Magaca iyo Maamuuska Beelwaynta Akisho  waxaanu Barkulanku usoo Jeedinayaa Inay joogteeyaan iska war qabka iyo taageerida dhaqdhaqaayada siyaasadeed iyo taageerida dadkeena dhibaataysan sidii wax loogu qaban lahaa

5)  Barkulanka Beelwaynta Akisho wuxuu soo dhawaynayaa guulaha siyaasadeed ee ay Beeshu kazoo hoysay dalka Itoobiya iyo kamid noqoshada Goloyaasha wasiirada ee Heer federal iyo Deegaanba

6) Barkulanka Beelwaynta Akisho wuxuu usoo jeedinayaa Salaadiinta iyo Siyaasiinta  beesha Akisho inay la xisaabtan dhaba la sameeyaan xukuumada Muuse biixi cabdi  sababta ay xaqii ay beeshu ku lahayd kuraasida dalka uga qadisay beesha Akisho

7 ) Barkulankani wuxuu  ururin doonaa taariikhaha iyo shirarka ay beeshu ku qabsato dalalka iyo deeganaada ay joogaan wuxuuna ka codsanayaa in wixii taariikha lasoo ururiyo si jiilasha danbe ee beeshu usoo kacaya la socdaan taariikhda beesha ay kazoo jeedaan

8 ) Barkulanku wuxuu usoo jeedinayaa dhalinyarada baraha bulshada iska dhex cayda ee beelwaynta akisho inay ka waantoobaan lana jaan qaadaan jiilalka hour socodka sameeyay

9 ) kadib markuu arkay Barkulanka Aqoonyahanka iyo Saxafiyiinta Beeshu  baraha bulshada ee lagu samaystay magaca Beelwaynta Akisho wuxuu usoo jeedinayaa in La ilaaliyo magaca iyo Haybada Beelwaynta Akisho wixii xumaan iyo xiqdi ku dhex wadana la Report Gareeyo

10 ) Barkulanku wuxuu guul iyo gobonimo usoo jeedinayaa dhamaanba tolwaynaha Beelwaynta Akisho Rabi towbada Ha ina waajiyo  cimri dheer iyo cibaado suubaan . wixii talo iyo tusaale ahba wuu u furan yahay dhamaanba Aqoonyahanka , Culimada , waxgaradka dhalinyarada iyo Haweenwaynaha BEESHA akisho

 

WA  BILAAHI TOWFIIQ

BARKULANKA BEELWAYNTA  AKISHO

 

 

 

 

 

COMMENTS
GOLIS TV
Highlights