Ciidamada Itoobiya Oo Oo Ka Bixi Doono Xadka Eritrea Iyo Itoobiya + [ Goorma ]
September 12, 2018 - Written by Golisnews Editor
Addis Ababa (golis-News):- Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu sheegay in ciidammadiisa ku sugan xadka Eritrea ay bilaabayaan qorshe ay kaga baxayaan halkaasi laga bilaabo maanta.

Abiy ayaa hadalkan ka sheegay xilli maanta uu ka qayb galayay munaasabadda dib la isugu furayay xadka labada dal.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, ciidammada laba dal ayaa bilaabay howlgal ay deegannada xadka kaga nadiifinayaan miinooyika halkaasi ku asana iyo jidgooyooyinka.

Bishii July ayay ahayd markii hoggaamiyeyaasha labada dal ay soo afjareen colaad muddo 20 sanno ah ka dhex taagnayd Eritrea iyo Itoobiya taaso saamayn ku yeelatay bulshooyinka ku nool labada dal.

COMMENTS
GOLIS TV
Highlights