Dagaal qadhaadh oo hub culus la isku adeegsanayo oo caawa ka socda MARKA
August 29, 2018 - Written by Golisnews Editor

Afgooye (GOLISNEWS) – Dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada dowlada Somalia iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa waxa uu caawa ka socdaa magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka oo hub culus leysu adeegsanaayo ayaa waxa uu ka danbeeyay kadib markii maleeshiyaad ku hubeysaa Hubka noocyadiisa kala duwan ay weeraro dhowr jiho ah ku qaaden goobo ay ku sugan yihiin ciidamada.

Hubka noocyada culus ayaa laga maqlayaa qeybo kamid ah magaalada, waxaana sidoo kale dhacaaya rasaas xoogan oo ay ridayaan labada dhinac.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa madaafiic ku garaaceysa qeybaha ay magaalada ka dagan yihiin ciidamada militeriga ee halkaa la wareegay dhawaan, halka gudaha magaaladana uu dagaal ku dhexmarayo ciidamada iyo Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa soo warinaaya in magaalada ay ka tagtay korontada isla markaana ay socdaan rasaas jiho waliba ka socta, taa oo qalqal galineysa dadka shacabak ah.

Sidoo kale, ciidamada xooga ayaa iska difaacaya maleeshiyaadka dagaalka kusoo qaaday, waxaana lasoo sheegayaa in goobaha qaar lagu gubay gaadiid aan la ogeyn cida leh.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka oo weli ah mid socda, waxaana sidoo kale jawi cabsi leh caawa ku sugan dadka shacabka ah.

GOLISNEWS 

CABDIKHADAR MAAL

HARGEISA SOMALILAND

COMMENTS
GOLIS TV
Highlights