UK Oo Qarash Badan Ku Bixisay Sugida Amniga Madaxweyne Trump + [ Imasa Ayaa Ku Baxay ]
July 15, 2018 - Written by Golisnews Editor
London (golis-News):- Dowlada Britain ayaa lacag badan ku qarash gareysey amaanka madaxweynaha wadanka Mareykanka Donald Trump inta uu joogo dalkaasi iyadoo wali ay socdaan dibad baxyo ka dhan ah booqashadiisa oo ay dhigayaan shacabka UK.

Image result for Trump

Police-ka dalkaasi ayaa la galiyay heegankii ugu sareyay tan iyo sanadii 2011-kii.

Ugu yaraan 4,000 oo ka tirsan ciidamada police-ka oo dheeri ah ayaa la geeyay goobaha uu booqanayo waxaana ciidamadan la sheegay in ay ku baxayso lacag dhan 12 million pounds oo u dhiganta ($15.8 million).

Wasiirka arimaha gudaha Uk ayaa isna sheegay in dhaqaalaha rasmiga ah ee ku baxay sugida amniga Trump la ogaan doono marka booqashadiisa ay soo gaba gabowdo.

Dhaqaalahan ayaa waxaa bixinaya wasaarada Arimaha gudaha iyada oo dowlada dhexe ee Uk ay dhiibi doonto qarashka ku baxa ciidamada dheeriga ah ee xoojinaya Amniga sida uu sheegay afhayeenka wasaarada Arimaha Gudaha Thames Valley.

Mr Trump ayaa booqanaya Gobolka Scotland si uu ugu soo dheelo cayaarta loo yaqaan golf-ka waxaana ku bixi doona qiimo lacageed oo dhan £5 million ($6.6 million) si amnigiisa loo sugo.

COMMENTS
GOLIS TV
Highlights