Muxuu dastoorka Somaliland ka qabaa in dumarka kooto gaar ah loogu xidho doorashayooshinka soo socda?
July 11, 2018 - Written by Golisnews Editor

Muxuu dastoorka Somaliland ka qabaa in dumarka kooto gaar ah loogu xidho doorashayooshinka soo socda?
Waxaa beryahan dalka ka socda doodo ku saabsan talo soo jeedinta xeerka qabyo qoraalka ah ee doorashooyinka ee golaha komishanku soo soo jeediyeen dhawaana ay anxiyeen Golaha Golaha Wasiiradu. Wuxuu hadda horyaallaa oo ka dooday golaha Baarlamaanka. Waxaana xeerkan kootadu dhigayaa in 18 xubnood oo habeen ah kooto looguy xidho doorashada soo socota ee Baarlamaanka. Waxaa kale oo ku jira xeerkan qabyo qoraalka ah in sidoo kale saddex xubnood kooto loohu xidho dadka laga hayb sooco ee gabooyaha.
Haddaba ma jiro qodob diidaya in kooto loo xidho dumarka iyo dadka la hayb sooco, sidoo kalena ma jiro qodob si gaar ah kootada u taageerayaa. Markaas waxaa aan faalo iyo tafsiir ka bixin doonaa distoorka Somaliland wuxuu ka qabo arrintaas kootada.
Guud ahaan qodabada distoorka Somaliland ee ka hadlaaya doorashada iyo ka qaybgalka siyaasaddu waa qodobka 22aad gaar ahaana firqadiisa koowaad oo odhanaysa qofkastaba oo shacbi ahi wuxuu xaq u leeyahay inuu ka qayb galo siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo dhaqanka iyadoo la raacayo sida distoorka banneeyey. Isla qodobkaas firqadiisa labaad waxay leedahay qofkasta oo shacab ahi oo buuxiya shuruudaha laga rabo wuxuu xaq u leeyahay in la doorto islamarkaasna uu isna wax dooran karo.
Markaas distoorku wuxuu dhigayaa in qofkastaaba rag iyo dumar ama lab iyo dhedig kuu doono ha ahaadee siyaasadda ka qayb gali karo, islamarkaasna iyadaan loo eegin rag iyo dumar qofkastaaba isa soo sharrixi karo uu wax dooran karo lana dooran karo
Sidaan la socono doorashada inagu soo fool lihi waa tii degaanka, doorashada degaankuna kuma jirto distoorka ee waxaa qeexaya xeer lanbar 20kii ee dhawaan golaha wakiiladu wax ka badalka ku sameeyeen.
Distoorka waxaa ku jirta qaabka loo dooranayo xukuumadda oo ka kooban golaha fulinta ama golaha wasiirada, Baarl;amaanka (golaha wakiilada iyo ka guurtida) iyo garsoorka.
Sidaas aawadeed distoorka kuma jirto qodob diidaya in dumarka iyo dadka la hayb sooco kooto loogu xidho doorashooyinka soo socda ee dalka ka qaybsoomi doona haddii eebbe idmo.
Qodobka distoorka ku jira ee ka hadlaaya sinnaanshaha ragga iyo dumarka oo ay inta badan adeegsadaan dadka kasoo horjeeda kootada faraqiisa koowaad wuxuu dhigayaa in shacbiga ku dhaqan Somaliland ay leeyihiin xuquuq iyo waajibaad isku mid ah sharciga waana inaan qofku xuquuqdiisa ku waayin asbaab la xidhiidha midabkiisa, qabiilkiisa, meeshuu ku dhashay, luqadiisa, rag iyo dumar kuu yahay, hantidiisa, maqaamkuu kaga jiro bulshada ama fekerkiisa siyaasiga ahba.
Qodobkani ma diidin kootada dumarka iyo dadka la hayb sooco loogu xidhaayo golayaasha degaanka ama ka baarlamaanka. Wuxuuseh taas cakiskeeda ka hadlay in mamnuuntahay in gabadhu xuquuqdeeda ku waydo jinsigeeda ama dumarnimada.
Qodobku wuxuu daafadayaa in lagu faquuqo gabadhnimada oo ay ku waydo xuquuqdeeda. Waxaan la sononaa inay 7 gabdhood ee usoo sharraxay doorashadii u danbaysay ee Golaha Wakiilada ay mid qudha ahi kusoo baxday doorashadii.
Taasoo aan odhan karno waxaa ay ku hadheen jinsiga ay kasoo jeedaan iyadoo aan ognahay inaan qaadanay hab siyaasadeedka ku salaysan dimoqraadiyadda iyo axsaabta badan haddana wali dhaqankeena siyaasadeed wuxuu ku qotomaa habkii beelaha oo qofkii is sharraxayaa uu ka dhex olaleeyo beeshiisa si uu cod uga helo. Arritntan oo caqabad ku noqotay dumarka sababtoo ah badankoodu laba beelood oo kala duwan bay midna ka dhasheen midna u dhaxeen. Waxaana dhacday waayo aragnimada aan ka helnay doorashooyinkii u danbeeyey inaan labadaas beelood midna gabadha codsiin taasoo faquuq siyaasadeed iyo mid bulsho ku ridday dumarkii. iyadoo ay beelkastaaba door bidayso inay soo saaraan nin ay isku beel yihiin. Arrintan oo saamayn tabane ah ku yeelatay dumarkii oo caqabad ku noqotay inay kusoo baxaan doorasho toos ah oo ay six or ah u tartamaan.
Waxaana loo baahan yahay in la helo siyaasad iyo shuruuc dumarka siisa xuquuqdooda distooriga ah ee muwaadinimo si ay u helaan fursad ay kaga qayb galaan siyaasadda iyo talada qaranka. Waxaanan u arkaa inkastoo kootada loogu talogalay ay yartahay haddana ay tahay bilaw fiican waanan soo dhawaynayaa.
Qodobkan kor ku xusan haddii lagu xoojiyo qodobka 38aad firqadiisa koowaad oo isagu si gaar ah u taabanaya xuquuqda haweenka ee odhanaya xuquuqaha, xorriyadda iyo waajibaad isku mid ah baa ragga iyo dumarku uu siinayaa distoorka marka laga reebo wixii islaamku jideeyey.
Isla qodobkan 36aad firqadiisa koowaad waxay astaynaysaa in xukuumaddu dhiirigeliso oo xeerar kasoo saarto xuquuqda haweenka inay xuquudooda muwaadinimo ay dabaqaan oo si xor ah u dhaqmaan wixii aan ka hor imnayn diinta islaamka sidoo kale aan dhaawacayn shakhsiyadooda iyo sharaftooda. Dumarka oo isa soo sharraxa golayaasha degaanka ama Baarlamaanka diintu diidimayso, sidoo kalena in dumarka loo xidho kooto ma jirto qodob dastuuri ah oo ay ka horimanaysaa.
Qodobka kale ee muhiimka ah gaar ahaana distoorka ku qoran marka laga hadlaayo kootada dumarka loo qoondeeyey waa qodobka 40aad oo ku saabsan tirada iyo doorashada Golaha Wakiilada wuxuuna odhanayaa Golaha wakiiladu wuxuu ka kooban yahay 82 xubnood, oo lagu soo doorto doorasho guud oo toos ah iyo cod bixin qarsoodi ah oo xor ah.
Qodobkani wuxuu dhiirigelinayaa in xubnaha si toosa loosoo doorto, lama dhaafi karo laakiin isma diidayso kootada haddii qaybta dumarka loo qoondeeyey ay dumarka ku tartamaan dhexdooda oo tusaale ahaan doorashada soo socota ee degaanka waxaa lagu taliyey in dumarka loo xidho kooto ah 18 xubnood. Taasoo qiyaastii magaalooyinka waaweyn ugu yaraan saddex dumar ah ay kasoo bixi karaan.
Kuwaasoo noqon doono gabdhaha ugu cod bata gobolada iyo degmooyinka ay ka dhacayso doorashadu shuruucdani wali ma diidayso numberka kootada ee laysla qaatay, laakiin waa in numberkaas dumarka dhexdooda uga tartamaan oo ay gaar u yihiin oo aanay la tartamin ragga oo laga yaabo inay ka cod bataan dumarka tartamaya sababaha aan kor kusoo xusnay awgeed.
Qodobkan waxaa kaabaya qodobka 19aad oo dhiirigelinaya in xukuumaddu daryeesho oo fiiro gaar ah ay siiso qaybaha nugul ee bulshada, haddaba wuxuu dhigayaa qodabkani oo dhiirigelinaya in dawladdu ay masuuliyad gaar ah ka saarantahay caafimadka, waxbarashada iyo horumarka hooyada, carruurta, dadka naafada ah ee aan haysan cid daryeesha Taasoo tafseerku noqonayo in dumarka intooda badan ay yihiin hooyooyin, hooyooyinkuna ay kamid yihiin xubnaha nugul ee bulshada ee ay tahay in dawladdu siiso fiiro ah, marka horumarka siyaasadeed ee gabadha waxaa carqalad ku haya hab dhaqankeena siyaasadeed ee bulshadeena oo aan dhiirigelinayn in dumarka ka qayb galaan talada dalka oo qabiil kastaaba aanay soo sharraxayn gabadh ee ay jecel yihiin inuu golayaasha u matalo wiil ama nin, taasoo dumarkii ka dhigtay kuwo nugul, sidaas aawadeed loo baahan yahay in xukuumaddu dhiirigeliso in loo xidho kooto si ay ka qayb galaan talada qaranka.
Taasoo qodobka 36aad ee distoorku ee qeexaya xuquuqda haweenku firqadiisa 4aad ay dhigayso in dawladdu ay dhiirigeliso in xukuumaddu kor u qaado heerka waxbarsho iyo dakhliga dumarka, iyo xaaladda nolaleed ee qoyskaba. Taasoo haddii dumarku soo galaan goloyaasha siyaasadda uu kor u kici karo wacyigoodu oo ay ka korodhsan karaan aqoon iyo waayo aragnimo sidoo kalena ay ka heli karaan dakhli ay ku dabaraan noloshooda iyo qoyskoodaba.
Waxaa isna ayidaya kootada qodobka 20naad ee ka hadlaya shaqada, ganacsiga iyo daryeelka shaqaalaha. Kasoo dhigaaya in qofkasta oo shacbi ah xaq u leeyahay inuu shaqo helo, sidoo kalena isla qodobku wuxuu dhiirigelinayaa in shacbigu shaqeeyaan. Waxaanu qodobkani dawladda ku waajibinayaa inay abuurto shaqooyin oo ay suurtageliso inay shaqaaluhu helaan tababaro kor loogu qaadayo xirfadooda.
Sidaas aawadeed in dumarka kooto loo xidho si ay ugu soo baxaan golayaasha siyaasadda qaranka, waxay fursad siman oo shaqo siinaysaa ragga iyo dumarka, waxaanay kor u qaadaysaa garaadka iyo khibradda dumarka. Waxaanay dhiirigelinaysaa in dumarku ay isa soo sharraxaan oo ka qayb galaan talada dalka sidoo kalena ka shaqeeyaan dibudhiska iyo horumarka dalka.
Waxaanay kaloo awood siin u tahay dumarka oo kamid ah kooxaha nugul ee bulshada ee u baahan in la siiyo fiiro gaar ah iyo caawimo si ay u noqdaan qayb fir fircoon oo bulshada kamid ah oo si togane ah uga qaybgala horumarka dalka. Islamarkaasna waxay u tahay awood siin dhaqaale oo ay ka helaan dakhli dhaqaale oo ay ku dabaraan baahidooda gaarka ah iyo ta qoyskoodaba.
Dhinaca kale waxaa jira siyaasado kala duwan oo waddani ah kuwo mandaqadda ah( Afrika) iyo kuwo kale oo caalami ah oo dhiirigelinaya in dumarka iyo dadka laga tirada badan yahay loo xidho kooto si ay uga qayb galaan talada qaranka. Waxaana arrintaas aad u dhiirigelinaya siyaasadda qaran ee lammaanaha oo la sameeyey sannadkii 2007kii xukuumadda Somaliland ay ansixisay sannadkii 2008dii, islamarkaasna dibu eegis iyo wax ka badal lagu sameeyey sannadkii 2010kii markii xukuumadda cusub ee hadda talada haysaa ay la wareegtay hoggaanka dalka.
Siyaasadda qaran ee lammaanaha oo ah mid aad u balaadhan waxaa ka khuseeya mawduucan aan ka hadlayno qodobka koowaad oo odhanaya: In la dhimo fakhriga sidoo kalena awoodsiin dhaqaale lasiiyo dumarka iyo dadka kale ee nugul sida iyagoo hela fursado shaqo oo ay ka helaan dakhli ay kudabaraan nolol maalkeedkooda,
Sidoo kalena siyaasadda lammaanaha ee qaranka qodobkiisa afraad ayaa dhigaya in la dhiirigeliyo in dumarku ka qayb galaan talada qaranka sidoo kalena laga qayb geliyo golayaasha ay kasoo baxaan go’aanada khuseeya ee saamaynta ku yeelan kara noloshooda iyo mustaqbalkooda.
Xeerkani kootada loogu xidhaayo dumarka doorashooyinka soo socda ee degaanka iyo Baarlamaanka waxay ka qaadayaan caqabadihii dumarka ka haystay inay isa soo sharraxaan ama ay xubin ka noqdaan golayaasha (degaanka iyo baarlamaanka) waxaanay siinaysaa inay dumarka ka qaybgalaan golayaasha lagu go’aamiyo talada qaranka oo qaarkoodna ay ka maqan yihiin qaarkoodna aanay xubno badani kaga jirin. Waxaana dhiirigelinaysaa in dumarka codkooda la maqlo oo ay xubno fir fircoon ka noqdaan golayaasha siyaasadeed ee qaranka.
Waxaanay suurtagelin doontaa inay soo baxaan dumar firfircoon oo qaranka u haya xilal muhiim ah iyo boosas sare oo hoggaamineed kuwaasoo taladooda ka dhiibta golayaasha siyaasadeed ee ay ka go’do talada qaranku.
Ugu danbayna waxay noqon doontaa tallaabadii koowaad ee xukuumadda Somaliland qaado ee dhinaca shuruucda ah ee ay ku dhiirigelinayso in dumarku si fir fircoon uga qayb galaan siyaasadda qaranka. Waxaana dumarka u arkaan hiil qaran, xaqsoor awoodsiin, horumar laga sameeyey sinaanta, caddaaladda saldhigga u ah distoorka iyo shuruucda Somaliland.

Waana tallaabo fiican oo loo qaaday dhinaca horumarka ee dumarka lagaga qaybgelinayo talada, iyo fursaddii lagu xuli lahaa xubnaha haweenka ee lagu shaqaalayn lahaa, lagu awoodsiin lahaa inay dumarku ka qaybgalaan dejinta siyaasadda iyo shuruucda dalka. Sidoo kalena ay helaan fursad ay kaga qayb galaan gorfaynta iyo go’aaminta talada dalka.
Waxaanay dhiirigelin doontaa inay soo baxaan dumar badan oo firfircoon dhinaca siyaasadda oo hormuud ka noqda xisbiyada qaranka kuwaasoo leh han siyasaadeed.
Ugu danbayna sidaan kor kusoo sheegnay kootadu dan uma ah dumarkoo qudha laakiin waa mid dan u ah bulshadeena iyo qarankoo idil waayo dumarku waa ugu yaraan 50% bulshadeena waxaana loo baahan yahay taladooda iyo qaybta kaga aadan horumarinta iyo dibudhiska dalka, sidaas aawadeed kootada loo xidhaa waxay fursadsiin doontaa in dumarka door firfircoon ka qaataan siyaasadda dalka. Waxaan wanaag iyo horumar ahayna uma keeni doonto bulshadeena.
Waxaanan ka codsanayaa labada gole ee wakiilada iyo golaha guurtiduba inay dhakhso u ansixiyaan talo soo jeedinta muddada la taalay ee usoo gudbiyey madaxweynaha Somaliland. Arrintan kootada loogu xidhaadhayo kama horimanayso shuruucda iyo distoorka dalka u yaalla. Umana baahna in wax ka badal lagu sameeyo distoorka maadaama aanu jirin qodob si toosa uga horimanayaa, laakiin waxaa loo adeegsan karaa iyadoo tafsiir lasaaro qodobada arr
intani ay khusayso ee ku jira distoorka ee xalaalaynaya kootada loo xidhay dumarka.
Waad mahadsantihiin,
Cabdi Cabdillahi Xasan( Mataan),

COMMENTS
GOLIS TV
Highlights