Dawlada Israa’iil Oo Xidhtay Waddada Ugu Muhiimsan Ee Badeecadaha Loo Marsiiyo Reer Qaza + [ Sababta ]
July 11, 2018 - Written by Golisnews Editor
Qaza (golis-News):- Israa’iil ayaa xidhay waddada ugu wayn ee badeecadaha loo sii marsiiyo marinka Qaza islamarkaasna ay ugu argoosanayso weerarada Falastiiniyiinta ay uga soo qaadayaan dhanka xadka.

Waxaa loo ogolyahay oo kaliya in marinka Qaza loo marsiiyo qalabka caafimaadka oo ay kamid yihiin cunnooyinka iyo dawooyinka.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu wuxuu ballan qaaday in gacan adag uu ku qaban doono maleeshiyaadka Falastiiniyiinta ee xadka kasoo tallaabaya.

Afahayeen u hadlay ururka Xamaas ayaa ku tilmaamay tallaabada Israa’iil dambi cusub oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

COMMENTS
GOLIS TV
Highlights