Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Oo Iminka Ka Dagay Singapore + [ Sawiro ]
June 10, 2018 - Written by Golisnews Editor
Singapore (golis-News):- Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ka dagay dalka Singapore isaga oo halkaas kulan kula leh madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Kim

Kulankan taariikhiga ah ayaa ka dhici doona jasiiradda loo tamashle tago ee Sentosa maalinta Talaadada ah.

Waxayna noqon doontaa markii koobaad ee madaxweyne Maraykan ah oo xil haya uu la kulmo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Intii uusan Trump u duulin shirka wuxuu kulankaas ku tilmaamay “fursad qur ah oo lagu beegsan karo” nabadda wuxuuna intaas ku daray in labadoodu ay arrinta si dhab ah ugu soo jeedaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Singapore Vivian Balakrishnan ayaa Twitterka soo galiyay sawirka Kim ka dib markii uu jasiiradda dalkaas cago dhigtay.

COMMENTS
GOLIS TV
Highlights