Somaliland oo ganafka ku dhuftay eedaymo aan sal iyo raad toona lahayn oo kayimid Puntland x
June 2, 2018 - Written by Golisnews Editor
Xalay xarakada Alshabab ee fadhigeedu yahay Puntland ayaa weerar aagmo ah ku qaaday saldhig milateri oo ku yaal gobolka bari ee Punland oo layidhaahdo Balli kadar. Waxaana labada dhinacba sheeganaya inay guul kasoo hooyeen dagaalkaas.
Haddaba  sidaan lasocono  Alshabab iyo burcad badeeduba waxay ka hawlgalaan oo saldhigyo ku leeyihiin gudaha Punland qaar katirsan madaxda sare ee maamulka Punland waxay gacan saar la leeyihiin argagixisada iyo budhcad badeedda.
 Maamulka Punland waxay  weerarkan u danbeeya ku eedeeyeen Somaliland oo ka dhaxeeyo dagaal oo ay dhawr weerar gardarro kusoo qaadeen fadhiisanada hore ee gudaha xadka Somaliland.  Taasoo Somaliland ay ku dhufutay dhirbaaxo lama illaawaan.
Maamulka Puntland Wixii ay ciidan iyo hub hayeena waxay isugu geeyeen jiidda hore ee gudaha xadka Somaliland oo ay kawadaan xaalado amnidarro iyo hurin colaadeed.
Haddaba ciidamada ay Majeerteeniya soo dhoobtay gudaha xadka Somaliland waxay fursad siiyey ay kusoo weeraraan argixisada alshabab iyo cadowga kale ee hujuumka ku haya maamulkooda.
Wasiirka arimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa beeniyay ee daymaha la xidhiidha inay Somaliland taageerto argagixisada soo weeraray maamulka Majeerteeniya.
Mr. Kaahin ayaa ganafka ku dhuftay eedayntaas kuna tilmaamay in maamul goboleedka Puntland argixisada aanay lahayn qorshayaal  iyo awood ay kula dagaalamaan laakiin taas bedelkeeda ay ka dhigteen mashaariic ay dunida kaga helaan dhaqaale lagu fushado dano gaar ah.
Waxaana caalamku lasocdaa in maamulada ay ka taliso dawladda fadaralka ah ee badhtamaha iyo koonfurta Somaliya  bishii lasoo dhaafay ee May oo qudha uu ka dhacay in ka badan 40 shil ama dil oo ay fulisay argagxisad Alshabab. Waxaa kale oo hawlagalo ciidan ka fulisay degaanada ay maamusho xukuumadda  itaalka daran ee Punland.
 Waxaana Somalida iyo bulshada caalamkuba ogyihiin in Punland tahay ta iyadu samaysa ee sponsergararaysa argaxisada iyo budhcad badeedda ka hawlgala geeska Afrika. Ceebtoodna maahee waa caadood inay marba cid ku eedaayaan arrinahaas iyagu masuulka yihiin.

COMMENTS
GOLIS TV
Highlights