Xuskii 31ka May gudagalkii SNM ee magaalada Hargeysa
May 30, 2018 - Written by Golisnews Editor

Maanta oo taariikhdu tahay 31-May waxa ay ku beegantahay 31kii May,1988, taas oo ahayd maalintii ciidamadii Mujaahidiinta ahaa ee SNM goor saq dhexe ah ka dhex hilaaceen gudaha Magaalda Hargaysa oo ay ku sugnaayeen ciidamadii Maxamed Siyaad Barre. Si kale haddii loo yidhaahdo waa sannad guuradii  saddex iyo labaatanaad ee ka soo wareegtay gudo galkii SNM ee magaalada Hargeysa.

Weerarkaas ciidamada SNM ku soo qaadeen ciidamadii Maxamed Siyaad Barre waxa uu dhacay goor habeenimo oo 31 May ah  oo inta badan dadka reer Hargaysa hurdeen, waxaana mar kaliya lagu baraarugay dayaanka rasaasta iyo hilaaca hubka la isku ridayay ee ka baxayay Magaalada.

Ciidamadii SNM oo aanay islahayn cududooda ciidan iyo niyad wanaagoodu waxa ay si badheedh ah weerar ugu qaadeen xarumihii Fadhiisimadii ciidamada sida taliska qaybta 26-aad, gaaskii 2-aad ee Birjeex iyo guutada taangiyada,waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo fooda la isdaray.

Weerarkaas ciidamada SNM ku soo galleen gudaha Magaalada Hargeysa oo qayb ka ahaa hawlgul ciidamadii SNM ku soo galleen gudaha magaalooyinka Somaliland, waxa uu noqday habeen naanayso u baxaan  qaar ka mid ah hoggaamiyayaashii sare ee Ciidamadii Maxamed Siyaad Barre, sida Taliyihii Qaybta 26aad ee ciidamadii Soomaaliya Gen. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) oo loogu magac daray Cabdi Bile oo ahaa orodyahan Soomaaliyeed oo caan ahaa, taas oo macnaheedu ahaa in Gen. Morgan cagaha wax ka dayay cabsi darteed, isaga oo haleeli waayay inuu kaxaysto baabuurtiisii faraha badnayd ee hogganayay hareerihiisa, waxaana habeenkaas xabadii u horaysay ku riday taliska Qaybta Gaadhi uu saarnaa Qori” Grand B” ah, oo uu waday Mujaahid la odhan jiray Caqaar.

Intii aanay SNM soo gelin gudaha magaalada Hargeysa shan maalmood ka hor, waxa ay Hargeysa u soo direen koox sahan ah oo tiradoodu ahayd 18 xubnood, waxaana sahankaas watay Mujaahid Gacmo-dheere, Alle haw naxariiste, waxaanay 18-kaas Mujaahid ka hawl galleen gudaha iyo daafaha magaalada Hargeysa iyaga oo ku sugnaa tan iyo maalintaas 31 May ee ay SNM soo gashay gudaha Hargeysa. Waxa 18-kaas mujaahid ka mid ahaa Mujaahid Cali Gurey oo hadda ka tirsan xisbiga  UDUB.

Ciidamada SNM ee Hargeysa soo galay waxa ay tiradoodu qiyaastii ahayd  ugu badnaan  ilaa 1200 oo mujaahid oo u badanaa dhallinyaro rag ah, dumarna waa ku jireen, waxay ahaayeen naftood hurayaal doonayey in ay u badheedhaan cudud ka mid ah ciidammadii ugu xooga badnaa Afrika. Ciidamadaas SNM ee Hargeysa soo galay waxa ka mid ahaa rag dhallinyaro ah oo u talaabay ka qayb galka halgankii SNM, ka dib markii ay u adkaysan waayay dulmigii iyo dhibaatadii dawladii Siyaad Barre ku haysay gobaladii Waqooyi.

Hawlgalkaas ciidamada SNM ku soo galleen Hargeysa waxa hoggaaminayay saraakiil Milatari oo ay ka mid ahaayeen Ibrahim Dhegaweyne, Muuse Biixi Cabdi, Dayib Gurey, Cabdiraxmaan Aw Cali, Cabdiraxmaan Xuunsho, Axmed Dhagax, Aadan Cadde, Maxamed Cilmi  iyo mujaahidiin kale.

Habeenkaas iyo sidii wax u dhaceen waxa Geeska Afrika uga sheekeeyay Mujaahid Xasan Maxamed Ubaxle  (Xasan Ganbey) oo ahaa taliyihii gaadiidkii habeenkaas Hargeysa soo galayay  kana mid ahaa  dhallinyaradii Mujaahidiintii ahaa ee magaca weyn ku lahaa halgankii ururkii SNM kula jiray dawladii Maxamed Siyaad Barre. Waxaanu ku bilaabay hadalkiisa, “Saddex kun (3000) oo askari ayaanu ahayn oo waxaanu ku talo galnay in dhamaantayo aanu midh naga soo noqon, laakin dadka mustaqbalka leh ay la wareegaan aayahooda aanu dhex keenay, kaas ayuu ahaa go’aan-kaygu. Markii uu go’aanki sidaas noqday waa loo diyaar garoobay maanu hayn rasaas, shidaal iyo wax kasta oo aadami ku dagaal galo. Itoobiya way naga xidhatay, waxaanu go’aankeedu ahaa ka soo guura halka aad joogtaan 15km oo qaarna Xarshin ha yimaadaan qaarna Gaashaamo. Si dublumaasiyadeed ayaanu ula dhaqanay oo kamaanan hor iman ilaa intii aanu hawlahayga abaabulanaynay si aan la iskugu dhicin ayaanu kala meer meernay. Go’aankii ugu danbeeyey markaanu gaadhnay ayaanu rasaas iyo shidaal weynay oo ciidankii barri  halkooda ayaa la iskugu geeyey kuwii galbeedna dhankooda ayaa la iskugu geeyey, wax aanu ku dhaqaaqno ayaanu weynay mar labaad. Go’aankii ugu danbeeyey wuxuu noqday in nin waliba wixii uu markaas hayey uu ku dagaal galo.

Markaas anigu waxaan ahaa taliye ciidan oo masuul ka ah gaadiidkii xiligaas Hargeysa soo galaayey. Gaadhi kasta rasaasta ku jirtay waxayd ahayd laba boqol ilaa saddex boqol oo xabadood, gawaadhi waxaas xamilaayey may ahayn oo rasaasta way shubaayeen. Anigu Xasan ahaan waxaan watay lixdan midh oo kaliya, waxaanan ahaa ninka ugu rasaasta badan. Shiidaalna haba sheegin labaatan labaatan ayaanu kaga soo shubnay meel la yidhaahdo Bali-Samatarwaxaana naga go’naa inay Hargeysa ku wada goostaan, kumaanan tala galin inuu gaadhi iyo bili’aadan midna noo soo noqdo ee waxaanu ku talo talnay in aanu Hargeysa ku wada qaraxno dhammaantayo.

Ciidankii barriga oo uu watay Axmed Mire ayaa naga hor galay, saddexda cisho waxaanu kaga danbaynay shiidaal la’aan. Dhinaca barriga waxaa laga heli jiray shiidaal laga iibsan jiray degmooyinka, anaga dhankaygu cidhiidhi ayey ahayd. Meesha la yidhaahdo Bali-samatar ayaanu isku uruursanay muddo laba habeena. 30-May aanu ka soo dhaqaaqnay oo ay saacadu ku beegnayd 12-kii duhurnimo aniga oo xasuusta in aanu jirin markii aan soo dhaqaaqnay qof iga farxad badnaa, waxaanu u wada haysanay dhamaantayo in janadii naloogu wada bushaareeyey, waxaasina wax kale may ahayne waxay ahayd dhibka dadkayaga haystay ee ah inay gunimo ku dhacayaan. Gunimadaas ayaanu ka dooranay inay gob noqdaan dadkayagu xaga ilaahay iyo xaga bini’aadamkaba.

Kun iyo shantii boqol ee aanu  ahayn waxay wateen 100 gaadhi, iyada oo tiknikada aanu wadanay aanay tayo badan lahayn, waxaanay dhamaayeen lix gaadhi oo kaliya aniga ayaana masuul ka ahaa, waxaase tiro badanaa gawaadhida kale ee ay shicibku lahaayeen. Socdaal dheer ka dib lixdii makhribnimo waxaanu soo dul istaagnay halkan masalaha oo sheekh Cumar guudkiise sare ah oo qiyaastii 5km inay u jirto aan jeclahay. Halkaas ayey jidgooyo noo dhigeen ay nagu xidhayaan. Jid gooyadaas ay noo dhigeen awgeed ciidankii wuu naga kala biiq biiqay, taasina waxay nagu qaadatay ilaa 12-kii habeenimo. Kaaga darene 12-kii habeenimo dhan kasta way naga soo xidheen oo meel noo banaanayd oo aan garanayaa may jirin, meel laga noqon karaayeyna sawirkeeduba muu muuqan. Iyaga oo sidii u fadhiya ayaanu 12-kii habeeno ka soo dhex maaxanay oo buur sheekh Cumar guudkeeda ah ayaanu soo fuulnay xataa gaadiidkayagi. Ninkii Sheek Cumar la odhan jiray wuxuu aha nin awliyo ah askari ilaahay ah, waayo wadooyin banaan oo uu baneeyey ayaanu ka soo dhaadhacnay. “

Mujaahid Xasan Ganey, isagoo ka hadlaya markii ay Hargeysa soo galeen, wuxuu yidhi, “Warkaas oodhan markaan idiin wado Hargeysa waxaanu soo galnay 2-dii habeenimo, waxaanu fooda soo saarnay fooqan qayba 26-aad oo imika ah taliska guud ee ciidanka qaranka Somaliland oo xiligaas talis u ahayd Moorgan ayaanu u soo daadanay, laydh muu jirin, dayax muu jirin, roobna wuu na hayey, Moorgan dirqi ayuu nagaga baxsaday. Wax talis ah kumaanu reebin waanu ka wada saarnay dhamaantood. Calaa kuli xaal habeenimadii magaalada waanu qabsanay. Markaas waxaanu ku guulaysanay taladii iyo fikirkii aanu iskula nimid ee aanu ku wada soconay.

Markii aanu Hargeysa soo galaynay ee aanu fooqa istaagnay gaas la yidhaahdo gaas 1-aad oo xeebta jira oo kii faqashta ah oo ilaa toban taangi wata ayaanu  soo wada galnay magaalada. Gaaskaas aan kuu sheegayaa may qabin in Hargeysa cidi soo galayso, laakin waxay u gurmanaayeen cadaadlay iyo Burco. Cidii aanu maalintii iyo habeenkii is haysanay iyaga ayey ahaayeen, waxaana ku dhacay gaaskaas tacab khasaar, waxaana xaga ilaahay ka suurta gashay taayadii aanu wadanay. Markii uu waagu magaalada noogu baryey waxaanu fadhiisin ka samaysanay idaacada. Waanu kala yar biiq biiqnay oo magaalada ayaa nagu badatay oo nagu balaadhatay, anaga oo muddo dheer ka maqnayn xataa dhulkii aanu naqaanay ayaanu kala garan weynay, waxaanu dib isku hel helnay maalin toddobaadii. Rasaastayadii waxaanu ka helnay birjeex oo aanu ka sii daynay boqol askari oo isugu jiray shicib iyo milatari oo ahaa dadkii Isaaqa ahaa ee la uruuriyey, waxaa laga saaray guryahooda, iyada oo lagu uruuriyey laguna ilaalinaayey buuraha yar yar ee magaalada koonayaasheeda. Kuwaas oo dhamaantood subaxaas loo diyaar gareeyey dil toogasho ah. Wixii aanu rasaas u baahanyn oo dhan waxaanu ka helnay birjeex.”

Waxa xusid mudan in markii dagaalku socday saddex Maalmood uu Hargeysa yimid Wasiirkii Gaashaandhiga ee dawladii Maxamed Siyaad Barre Gen. Gabyow oo bixiyay amarka ah in diyaaradaha iyo Madaafiicdu garaacaan magaalada Hargeysa oo aan loo kala aabo yeelin.

Wixi intaas ka dambeeyay waxa magaalada Hargeysa ka bilaabmay qax iyo kala yaac, iyada oo shacbiga Hargeysa u kala jabeen dhinacyada Waqooyi iyo Koonfureed, waxaanay Hargeysa laga bilaabo 31 May 1988 ilaa1991-kii ahayd goob dagaal.

Ururkii SNM waxa uu Cisbitaal ka dhigtay Geed-Deeble oo dhinaca Waqooyi ka xigta Magaalada Hargeysa. Markii cadawgu ogaaday in dhaawacii SNM lagu daweeyo Geed-deeble waxa lagu dalbaday diyaarado ka soo kacayay garoonka Hargeysa ee Cigaal Airport, kuwaas oo si xun u duqeeyay xaruntii Cisbitaalka ee Ururkii SNM.

Sidaas oo kale waxa ay diyaaraduhu duqaynayeen oo ay si arxan darro ah u garaacayeen dadkii Qaxoontiga ahaa ee ka baxayay dagaalka ka socda magaalada Hargeysa. Waxa kale oo ay diyaaradahaasi duqaymo xoog leh u gaysteen Taliskii guud ee ciidamadii SNM ee Bali-gubadle, Qudhac-Raamaale iyo guud ahaan Jiidda Koonfureed ee Magaalada Hargeysa. Waxa kale oo diyaaradahaas garoonka Hargeysa ka kacayay duqayn xoog leh u gaysteen Magaalada Hargeysa oo ay garoonka ay ka duulayeen ku yaalay.

Si kastaba ha ahaate, 27 May 1988 oo ahayd maalintii ciidamadii SNM soo galleen gudaha Burco iyo 31 May 1988 waxa ay noqdeen laba Maalmood oo horseed u ahaa xorayntii dalka Somaliland iyo Buruud jabkii ciidamadii xooga badnaa ee Maxamed Siyaad Barre. Sidoo kale waxa ay labadan maalmood baabiyeen heshiiskii dhex maray Maxamed Siyaad Barre iyo Mingiste Hayla Maryan oo ujeedadiisu ahayd in lagu tirtiro halgankii Ururka SNM kaga soo horjeeday dawladii keli taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Barre.

Xigasho: Geeska Africa

COMMENTS
GOLIS TV
Highlights