[Deg Deg ]:- Somaliland Iyo Puntlland Oo Ku Dagaalamaya Deeganka Tuko-raq Iyo Dagaalka Oo Wali Socda +[ Gurmadka Labada Dhinac Oo Socda ]
May 15, 2018 - Written by Golisnews Editor

Laascaanood (golis-News):- Wararka ka imaanaya deegaanka Tuka-raq ee  ay ku muran san yihiin Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidammada labada dhinac.

Taliyaha milatariga Somaliand Nuux ismaaciil Taani, ayaa BBC u xaqiijiyay in dagaalku uu socdo wuxuuna sheegay in ciidammada Puntland ay duulaan kaga soo qaadeen labo aag.

 

Wasiirka Warfafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo BBC-da la hadlay ayaa isna sheegay in ciidammada la soo gardaraystay balse ay iska caabiyeen walina uu dagaalku socdo.

Dhawaan ayay ahayd markii ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating uu booqasho ku kala bixiyay Puntland iyo Somaliland Isaga oo ku baaqay in colaadda la joojiyo wadahadalna lagu dhammeeyo.

COMMENTS
GOLIS TV
Highlights