Taariikhda ku duugan xuska munaasabadda 18 May
May 14, 2018 - Written by Golisnews Editor

Taarikhda Xuska  munaasabadda 18th May 2018

18 May waa munaasabad wayn waxaana loo dabbaal degayaa sannad guuradii 27naad ee kasoo wareegtay dib ula soo noqoshada xornimadii Somaliland ee saqiirtay lixdankii.

26 Juun 1960kii bay ahayd markii Somaliland xornimadeeda ka qaadatay maxmiyaddii Ingiriiska oo maamulaysay muddo 76 sano ah. muddo 5 casho ah ayay Somaliland ahayd dawlad madax bannaan waxaana aqoonsaday 30 dawladood oo katirsan jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa.

MIDOW KU SHEEGII SOMALILAND IYO SOMALIYA

Koonfurta Somaliya oo uu gumaysanaayey Talyaanigu waxaa xornimadooda qaadatay 01 Luulyo 1960kii isla sannadkaas bay labada dal midoobeen.

Inkastoo midawgaas mad madaw badani ku jiro oo siyaasiyiinta labada dhinac iyagaan labada shacbi kala tashan ay ku dhawaaqeen inay midoobeen. Laba dawladood oo midoobayna maaha arrin hawl yar mana jirin wax heshiis ah oo labada dhinac dhex maray oo lakala saxeexday.
Waxaana loo walqalay magacii midowga labada dal ee Somaliland iyo Somaliya ee loogu magacaabay Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Somaliya.

Islamarkii la midoobay waxaa shacbiga Somaliland filayeen inay ka dhabeeyaan riyaddii ahayd in bulshada Somaliyeed ee degta geeska Afrika ay yeeshaan hal maamul oo qudha oo buuxisa baahida loo qabay in la helo dawlad Somaliyeed. Hasayeeshee riyadaasi markiiba waa dhici sawday waxaana caddaatay in walaalahooda reer Somaliya ay khiyaamiyeen bulshadii reer Somaliland oo ay xitaa ka duudsiyeen xuquudoodii shacabnimo una arkeen dabaqadda labaad ee Shacbiga. Taasoo aan loola dhaqmin sidii dad walaalo ah ee isu yimid ee loola dhaqmay dad waalan oo markay is xukumi kari waayeen isa soo dhiibay waxaana halkaas loogu baxshay magaca khaldaan oo macnihiisu yahay kuwii aan garanayn micnaha dawladnimada ee isa soo dhiibay. Waxaanay dad badani u arkaan in Somaliland eriday gumaysigii caddaa oo ay si voluntary ah u doonteen gumaysi cusub oo jiiraankooda ah.

Xagaagii 1961kii waxaa Somaliland loo codeeyey distoorkii qeexayey midnimada labada dal waxaana shacbiga Somaliland cod aqlibiyad ah ku diideen distoorkii qeexaayey midnimada labada dal, laakiin nasiib darro codkii shacbiga reer Somaliland lama dhegaysan ee waxaa la hadoodilay wixii loogu yeedhay midnimo ku sheegtaas. Taasoo aan u dhacin sifo sharci ah oo aan la hayn wax cad oo qeexaya midnimo ku sheegtaas . Dhammaadkii 1961kii waxaa saraakiil ka tirsan ciimada qalabka sida ee Somaliland ay dhigeen inqilaab. Inqilaabkaas oo fashilmay waxaa ciidamada qalabka sidaa doonayeen inay xoog kula soo noqdaan xornimadoodii saqiirtay ee raacday dabbaaldeggii xornimada Somaliya.

Waxaana xaqiiq ah in labadii dal ee Somaliland iyo Somaliya aanay waligoodba u midoobin sifo sharciya. Somaliland ay ahayd la haystayaal u xidhan dalkii walaalaha ahaayeen ee Somaliya.

AFGANBIGII SIYAAD BARRE IYO CURASHADII KACAANKA

Waxaana rajadii laga qabay midnimo ku sheegtaas sii god gashay 21 Oktobar 1969kii markii ciidamada qalabka qabsada uu hoggaaminaayo Mohamed siyaad Barre uu inqilaab aan dhiig ku daadan ku qabsaday dalka ee afduubay taladii dalka, taasoo muddo ka badan labaatan sanadood gacan bir ah ku hayay dalkii Somaliya oo ognahay waxa maanta ka xaasilka ah.

Mr. Siyaad Barre wuxuu joojiyey distoorkii dalka ee qeexayey midnimo ku sheegtaas, wuxuuna mamnuucay asxaabta siyaasadda. Wuxuuna markiiba xidhiidh sokeeye la samaystay dalkii midowga Soofiyeet si uu uga helo caawimo millateri.

Islamarkuu talada qabtayba wuxuu Siyaad Barre guluf ku qaaday bulshada reer Somaliland gaar ahaana qabiilka Isaaqa oo hujuum u arkaayey oo markaas u badnaa dadkii hayey maamulka sare islamarkaasna gacanta ku hayey baaycamushatariga dalka, waxaanu ka ruqseeyey shaqooyinkii sare ee ay hayeen. Waxaanu xukunka ku teediyey qabiilkiisa oo xoolo dhaqato u badnaa si uu xukunkiisa ilaashado.

Intii intaas ka danbaysana waxaa Siyaad Barre isku hayey inuu talada kaligii isku koobo, waxaanu cabudhin iyo cagajuglayn kula dhaqaaqay bulshadii reer Waqooyiga ahaa.

Sannadkii 1977 waxaa siyaad Barre dagaal ku qaaday Itoobiya taasoo ujeedadu ahayd inuu ku mashquuliyo ciidamada qalabka sida oo uu ka baqday inuu xukunka ka qaadaan. Dagaalkaas oo sababay qasaare balaadhan oo labada dhinacba waxaa uu dhamaaday kadib markii ciimado shisheeye uu Ruush iyo Kuubaan ahi soo faragaliyeen dagaalkii lana soo safteen dhinaca Itoobiya. Arrintan oo sababtay in Somaliya ciidamadoodii kala soo noqdo Itoobiya.

Haddaba dagaalkaas oo maxsuulkiisu noqday hoos u dhac dhaqaale oo badan waxaa ay keentay in ciidamadii kasoo noqday dagaalka la dejiyo gobolada waqooyi, waxaanay shacbigii kula dhaqmeen si ban’adnimada kabxsan waxaanay boobeen hantidii qaranka, waxaanay dil iyo dhac kula dhaqmeen bulshadii reer Somaliland.

XUKUNKII MILLATERI IYO KACDOONKII BULSHADA

Bilawgii sideetanadii waxaa Somaliland ka bilawday kacdoon bulsho, waxaana loo badalay waqooyiga Mr. Mohamed Xaashi Gaani. Mr. Gaanni oo ahaa taliyaha qaybta lix labaatanaad waxaa oggolaansho loo siiyey inuu wuxuu doono ka sameeyo gobolada waqooyi. Waxaana waqooyiga Somaliya lagu soo rogay xukun milateri, bulshadiina wuxuu kula dhaqmay dil, xadhig, dhac iyo cagajuglayn. Taasoo dareenkoodii kicisay dadkii reer Waqooyiga ahaa oo sababtay inay ka horyimadaan xukuumaddii markaas talada haysay.

BILAWGII HALGANKII SNM IYO HADAMADII TALISKII BARRE
06 april 1981 waxaa magaalada London lagaga dhawaaqay xisbigii Dhaq dhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM) oo taageersanaayeen inta badan dadka reer Waqooyiga. SNM oo ahaa dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo lagaga soo horjeedo kaligii taliyo Siyaad Barre. Waxaa ujeedadiisu ahayd inuu dalka iyo dadkaba ka xoreeyo nidaamkii markaas dalka ka jiray. Waxaanu taliskii Siyaad Barre la galay halgan qadhaadh oo isugu jira dagaal siyaasadeed iyo mid millateriba.

Bilawgii sannadkii 1982 waxaa gobolada Waqooyi ka bilawday kacdoon shacbi oo ka danbaysay bishii febraayo 1982kii markii dilka lagu xukumay aqoonyahanno ka tirsan ururkii UFFO. Aqoonyahanadan oo isugu jiray macalimiin iyo dhakhaatiir waxaa ay wadeen hawlo samafal oo dalkooda wax ugu qabanayaan. Laakiin taliskaa markaas u arkay hujuum oo waxaanu xidh xidhay badankoodiina dil buu ku xukumay. Intaas ka dibna waxaa dhacay kacdoon shacbi oo ay bilaabeen ardaydii dugsiyada kana bilawday magaalooyinka waa wayn ee gobolada waqooyi.

Waxaana kacdoonkaasi sababay inay dalka ka baxaan aqoonyahanno iyo saraakiil badan kuna biiray xisbigii xornimo u dirarka ahaa ee SNM. Waxaana maalinba maalinta ka danbaysa sii xoogaysanaayey halgankii shacbi ee lagaga soo horjeeday taliskii hore ee Siyaad Barre.

Sannadkii 1988kii waxaa kaligii taliye Siyaad Barre si kadiska heshiis ula saxeexday madaxweynihii Itoobiya Mr. Mingiste Hayle Maryam. Heshiiskaas wuxuu doonaayey Siyaad Barre inuu ku wiiqo halgankii qadhaadhaa SNM ee kaga soo horjeedeen taliskaas isaga ah. Ciimadii SNM waxay weerar ku qaadeen fadhiisimadii ciidamadii Siyaad Barre ee magaalooyinka waaweyn ee gobolada waqooyi gaar ahaana Hargeysa iyo Burco. Dagaaladaas waxaa SNM kasoo hoysay guulo balaadhan.

Haddaba taliskii Siyaad Barre markuu u babac dhigi kari waayey dirirtii SNM wuxuu guluf aargoosasho ah galaa baxshay shacbigii masaakiinta ahaa ee aan waxba galabsan ee deganaa gobolada Waqooyi. Laanta xuquuqda aamiga ee African Watch waxay ku qiyaastay in intii udhaxaysay sannadkii 1988-1989 uu talisku ku xasuuqay dad shacbi ah oo ka badan 50, 000 qof. Halka kumanaan kalena ku dhaawacmeen, inkaloo badinina waxay u barakaceen waddamada jiiraanka iyo daafaha dunida.

Markii la gaadhay bilawgii sagaashanaadkii waxaa sii yaraanaysay awoodii dawladda waxaanay isugu ururtay magaaladii madaxdii Muqdisho oo kaliya. Waxaana dhinaca koonfurta ka bilawday dhaq dhaqaaq siyaasadeed iyo gadood shacbi oo horseed ka ahaayeen xisbiyadii USC iyo SPM oo ay wadashaqayn jireen xisbigii SNM.

BURBURKII TALISKII SIYAAD BARRE IYO DIBU SOO NOQOSHADII QARANIMADA SOMALILAND

Dhammadkii bishii Jannaayo 1991 bay ahayd markuu dhacay maamulkii Siyaad Barre, taasoo dhammaan gobolada waqooyi ay gacanta ku dhigeen ciidamadii SNM.

Isla markay SNM dalka qabsatay waxaa ay isku dayday kuna guulaysatay inay heshiisiiso beelihii walaalaha ee reer Somaliland ee uu iska horkeenay taliskii hore ee Siyaad Barre, waxaana bilawday shirar dibuheshiisiin iyo turxaan bixin ah oo ka dhacay Berbera iyo Burco.

Ugu danbayna 18 May 1991 shirkii dibuheshiisiinta beelaha Somaliland ee ka dhacay magaalada Burco ayaa dhammaan beelaha Somaliland go’aansadeen dibusoo noqoshada qaranimada Somaliland. Taasoo ay dhabawday riyadii shacbiga Somaliland in mar qudha dib ula soo noqdaan qaranimadoodii luntay.

Haddaba Somaliland oo hadda laba 27 jirtay loona dabbaal degaayo qaranimada Somaliland. Muddadii ay Somaliland goonida u taagnayd waxaa ay gaadhay horumar ballaadhan oo la taaban karo. Somaliland waxay leedahay laba gole, golaha wakiilada iyo ka guurtida waxaana ka dhacay doorashooyin is daba jooga sida kii degaanka iyo kii madaxweynaha oo dhammaantood u dhacay si xasiloon oo soo jiitay indhaha caalamka. Doorashadii ugu danbaysa madaxweynaha ee dalka ka dhacda waxaa ku tartamaayey saddex xisbi qaran oo kala ah UCID, KULMIYE iyo WADDANI.

Somaliland waxay leedahay saddex xisbi oo qaran oo leh afkaar siyaasadeed oo kala duwan, laakiin waxaa ururadu iskaga mid yihiin danta guud ee ku aadan jiritaanka qaranimada Somaliland, horumarka iyo dhismaha dalka

Waxaa doorashada cod aqlbiyd ah ku guulaystay xisbiga KULMIYE oo ka sharraxnaa madaxweynaha hadda talada haya ee Mudane Muse Biixi Cabdi. Doorashadan u danbaysay ee madaxweynaha ee dalka ka qabsoontay oo dhacday 13 November 2017kii waxaa ay mid lagu galay hab casri ah oo nooca laysu diiwaangeliyo si casri ah oo qofka inshaha laga sawiraayey ama waxa loo yaqaan biometric.

Doorashooyinka ka dhacay Somaliland waxaa ay u tahay guul usoo hoyatay geeska Afrika iyo dhammaan qaaradda Afrikaba, waxaanay baal dahab ah u furtay bulshada afsomaliga ku hadasha ee deggen geeska Afrika oo aan iyaga laga filayn horumarka deg deg ah ee ku dhaqaaqday Somaliland.

Waad mahadsantihiin.

Cabdi Cabdillahi Xasan Mataan,

Maareeye ku Xigeenka Wakaaladda  Dekedaha Somaliland

Berbera, Somaliland

COMMENTS
GOLIS TV
Highlights