Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sucuudiga Oo Sheegay In Israel Xaq U Leedahay In Ay Hesho Dal Ay Yeelato + [ Akhriso ]
April 3, 2018 - Written by Golisnews Editor
USA(golis-News):- Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa qiray in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay dal yeelato.

Image may contain: 1 person, smiling, beard, closeup and indoor

Arrintaas ayaana u muuqata isbadal lataaban karo oo ku yimid meeshii uu Sacuudigu taagnaa markii hore.

Amiir Maxamed ayaa wargayska Maraykanka ka soo baxa ee Atlantic u sheegay in Falastiiniyiinta iyo Israa’iilba ay si siman ugu qalmaan in ay yeeshaan dhul ay leeyihiin.

Sacuudigu si rasmi ah uma aqoonsana dawladda Israa’iil, laakiin waayadan dambe waxaa soo hagaagayay calaaqaadkooda dahsoon.

Sacuudiga iyo Israa’iilba waxay halista ugu wayn ee dibadda kaga soo fool leh u arkaan Iiraan iyo malayshiyaadka Jihaadddoonka ah.

COMMENTS
GOLIS TV
Highlights