Sannad yahaw cusubi saaxiib ma nabad baa, Maanso
December 31, 2017 - Written by Golisnews Editor

Golisnews maamulkeedu wuxuu dhammaan leeyahay sannad wanaagsan bulshada afsomaliga ku hadasha meel kastoo ay joogaanba. waaanay idinku soo dhawaynaysaa maansandan hoose:

Maasadan sannad yahaw waxay curatay 01 Januari 2002. Wuxuuna yidhi:

Sannad yahaw cusubi
Saani maysu baranaa
Saaxiib manabad baa
Suuree bal waayaha
Faallee Sabaannadda
Sayruuq cirkaw diro
Saadaasha wacaniyo
Samo iiga soo sheeg
Hawadana udiro Sahan
Sidda ay udhigan tahay
Sawir iiga soo qaad
Soosaar xaqiiqadda
Suugaanta culusiyo
Soobandhig murtida oo
Saddarada Abwaankiyo
Subciskeeda gaarka ah
Saxaafadda u dhiiboo
Haka dhigin Sarbeebiyo
Sir aan laga geyooneyn
Saamaynta noloshiyo
Sifahaa aduunyadda
Sicad mawga faaloon
Sucuudiguna muufurin
Sarriibadihii xoolaha
Sayladdihii ganacsiga
Somalilandbaa isutaagtey keliyoo
Citiraaf Sugeysoo
Weli saaka may helin

Sannad waliba Suurole
Sama iyo xummaantaa
Lagu kala sifeeyaa
siday noqon Allaa ogoo

Su’aal baan lasarakacay
Saldhigeedu wuxuu yahay
Murtidaan Saxaayiyo
Saddaradtan aan dhigay
Sebenadan guracanee
Samaydoodu adag tahay
iga sii jawaab Sugan
Siyaasigan xumaha wada
Nabaddii Saluugee
Sammaddaa kulaalee
Sammadoonka Beeshiyo
Salaadiinta maagee
Isa Seeg dhexyaalee
Seefo laysu urursaday
Seeddaha isgooyeen
Siidhiwale Hadaad tahay
Samo iyo xumaaniyo
Arrimaha Sir iyo caad
Dadka kala Sifeeyoo
Siiniyo markay Saad
Xaajaddu Siuun tahay
Kala Saara ummadoo
Sinaan iyo cadaalad
Saamayn yaqaanoo
Una Simman dadkiisoo

Su’aal baa waxay tahay
Horta yaa Siyaasiya
Ma weli Siraatoo
Subciiya diintoo
Suuradaha qurraankiyo
Sunnaha nebiga oogoo
Mise waa Suugaan yahan
abwaanoo Siinlaydda tiriyoo
Maansooyin Saaroo
Jiiftadda Sameeyoo
subciskeedda mariyoo
Mise waa Saancaddaale ninahoo
Salaadiyo kategey soon
Saatirkiina caasiyey

Mise tollow Siyaasigu
Waa Sixiroole baasoo
Sarrif lacaga qaatoo
Sirraaya dadkiisoo
Su’aalbaa waxay tahay
Siloo helo Saldanad wacan
Ma in Soodh laqaataa
Sharcigana la Seegaa
Mise waa Sideedaba
Dadku Sawtka dhiibtoo
Samahoodda kii wada
Saldanada udhiibtaan
Samo ay ku waaraan
Waa Su’aalo culusoo
Salfudayd kareebane
Sahal iigu soo sheeg

Macasalaama,

 

Goliseditors

 

COMMENTS
GOLIS TV
Highlights