Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Ka Warbixiyey Safarka Madaxwynaha Ee Dalka Itoobiya
November 10, 2017 - Written by Golisnews Editor

Hargeysa (GOLISNEWS)-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay gelinkii dambe u dhoofay dalka Itoobiya, isagoo ay wehelinayaan marwada koowaad Aaminsa Weris Sheekh Maxamuud Jirde iyo wasiirka arrimaha dibadda Sacad Cali Shire.


Wasiirka arrimaha dibadda Dr Sacad Cali Shire ayaa ka warbixiyey safarka Madaxwaynaha iyo ujeedada socdaalkiisa waxaana uu ku sheegay inuu yahay mid sagootin iyo isxaal waraysi ugu jira.
Sidoo kale waxa uu wasiirku sheegay in socdaalka madaxwaynuhu qayb ka yahay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal, wasiirka oo arrimahaas ka haldaya ayaa waxa uu yidhi:
“Madaxwayanaha, marwadiisa iyo aniga oo ah wasiirka arrimaha dibadda waxaanu socdaal shaqo oo gaaban ku tegaynaa Addis Ababa halkaas oo uu Madaxwaynuhu kula kulmi doono Raysal-wasaaraha Itoobiya. waa socdaal saaxiibtinimo, iska waraysi xaaladda gobolka, sagootin intaba isugu jira markii ugu horaysayna maaha dhawr jeer oo hore ayay is arkeen raysal wasaaraha, waa xidhiidhka soo jireenka ahaa kana waxa uu noqon doonaa uun dhacdo kale oo arrinkaa lagu xoojinayo”.

COMMENTS
GOLIS TV
Highlights