Waraabe laba Qof ku cunay Deegaanka Cabdi-Geedi
October 4, 2017 - Written by Admin

Cabdi-geedi(Waaheen) wararka naga soo gaadhaya Deegaanka Waqooyiga Hargeysa ayaa sheegaya in Waraabe Dad cun ahi toddobaadkan ku cunay deegaanka cabdi Geedi laba qof oo midi tahay gabadh yar oo laba jir ah, ka kale-na nin wadaad ah oo can ka ahaa Deegaanka Riiga Kalawle.

Xasan Cabdi Rayaale oo ka mid ah Cuqaasha Deegaanka Cabdi Geedi ayaa Waaheen u xaqiijiyey warkan Waraabaha Dad cunka ahi ku dilay labada qof, waxaanu sheegay in dadweynuhu cabsi xoog ah ka qaadeen weerarka u Dhurwaagaasi ku hayo Dad iyo Xoolaba.

Caaqil Rayaale waxa uu Waaheen u sheegay in Wraaabuhu labada qof kala cunay laba wakhti oo kala duwan waxaanu isagoo dhacdadan faahfaahinaya yidhi “ Waraabaha Ilmaha yar Cunay waxa uu habeen hore ka qaatay xaafad ka mid ah Tuuladda Cabdi Geedi Gabadh yar oo Hooyadeed bogga kaga jirta oo Hurida abaara kow iyo tobankii Habeenimo, markii qayladii la maqlayna waa laga daba cararay oo waa la waayey” ayuu yidhi

Rayaale waxa uu intaas raaciyey in dadweynaha xaafadda iyo Ciidamo degan Tuuladdu baadi-doon u galeen sidii Rag iyo Ruux loo soo heli lahaa waxaanu yidhi  “ Gabadhii yarayd Waraabihii markii uu qaatay wuu la fogaaday waxaanay raadcadii soo heshay lafo yar yar oo madaxa iyo dhinac ah oo ka soo hadhay Ilmihii yaraa ee Waraabuhu qaatay, waxaana lagu Aasay Tuuladda”.

Caaqil Rayaale mar uu ka hadlayey Ninka Wadaadka ah oo uu ku tilmaamay in uu ahaa Nin Suufi ah oo deegaanka Aad looga yaqaano isla markaana dadka iska socda ah waxa uu yidhi “ Deegaanka Kalawle waxa jira nin kale oo Suufi ahaa oo dadka iska socda oo isna uu Waraabahaasi Cunay oo Raqdiisii la helay isna waa Aasay.”

Caaqil Cabdi Xasan Rayaale waxa uu ka dayriyey xaaladda Waraabahaas oo uu ku tilmaamay mid u baahan wax ka qabasho, waxaanu xukuumadda ugu baaqay inay ka caawiso weerarka ba’an ee uu waraabahaasi ku hayo Dad iyo Xoolaba.

COMMENTS
GOLIS TV
Highlights