In Kabadan 50 Ruux Oo Lagu Toogtay Dalka Mareykanka
October 4, 2017 - Written by Admin

Las Vegas (Hubaal/BBC) Ugu yaraan 50 ruux ayaa ku dhintay 200 kalana dhaawac ayaa ka soo gaadhay toogasho ka dhacday bandhig faneed lagu qabanayay magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka.

Qof hubaysan ayaa rasaas ku furay barxadii uu bandhiggu ka socday oo ku taalla hoteelka Mandalay Bay.

Nin hubeysnaa oo lagu magacaabay Stephen Paddock oo 64-sano jir ah ayaa la sheegay in rasaas uu ku furay meel ay ka socotay xaflad heeso.

Booliska Las Vegas waxay sheegayaan in ay ogaadaan halka ay joogto haweeney la socotay ninka dadka laayay oo ay ku magacaabeen Marilou Danley, iyo laba gaadhi oo laga shakiyay.

Boqolaal dad ah ayaa goobtii ka firxaday waxaana la maqli karay wax u ekaa rasaas qori ka dhacaysa, sida laga maqli karo muuqaal baraha bulshada la soo galiyay.

Booliisku waxay sheegeen in qofkii laga shakisnaa “dhulka la dhigay” isla markaasna aanay rumaysnayn in ay jiraan dad kale oo laga shakisan yahay.

COMMENTS
GOLIS TV
Highlights