Farriin Ku Socota Ardayda/Waalidiinta iyo Madaxda Wasaarada Waxbarashada W/Q: Xamse Tudhaale
October 4, 2017 - Written by Admin

Fikirka ah in haddii uu qofku ku guuldarraysto Waxbarashada Qallin-maalnimada ah, in uu noloshiiba ka dhacay oo aanu haysan waddo kale. Waa danbi laga galayo Ardayda kacaanka ah mustaqbalkoodana lagu galinayo cidhiidhi iyo mugdi; ku sababi kara Dhallinyaro badan in ay ku kacaan falal dhibaatayn kara nafahooda iyo Bulshada ku xeeranba.
Qalin Maalinimadu maaha xalka kaliya ee horumar lagu gaadhi karo;. Maanta waxa aynu joogna Duni Ardayga lagu qiimeeyo xasuusta uu xasuusan yahay xarfihii loo soo dhigay; mid kalena lagu duudsinayo xusuus ama fahan la’aan ka soo wajahday wixii loo dhigayay. Dalalka horumaray maaha kuwo Qalin-maalkooda uun dhiirrigeliya se waxa ay xoogga saaraan Xirfadaha kala duwan, kuwaas oo iyaguna keena Ikhtiraacyo heerkoodu uu sarreeyo dadkuna u aayaan.
100% waxa aynu rabnaa in aynu soo saarno Qalin-maal raba in loo diyaariyo xafiis cad oo uu ka shaqeeyo, taas oo aan macquul ahayn. 70% waxa aynu u baahanahay in aynu xoogga saarno Aqoonta Xirfadaha gacanta si dhaqaalaheenu u kobco waxsoosaarka ikhtiraacyo kala duwana loo helo oo meel ina gaadhsiin kara.

Ardayda ku dhacday Imtixaanaadka qalin-maalnimada waxa aan leeyahay in aad ku dhacday imtixaankan, maaha macnaheedu in aad noqotay mid nolosha ka dhacay se waxa aad haysataa fursado badan oo aad nolosha heer kaga gaadhi karto.
Kuwa ku guulaystayna waxa aan leeyahay macnaheedu maaha in aad dhibacaha imtixaanka aad keentay oo aad u sarreeyaa kaa badbaadin karaan guuldarrooyinka nolosha ee noloshu waxa ay leedahay qaaciidooyin gaar ah oo lagu guulaysan karo; kana duwan kuwan laguugu dhigay goobta waxbarashada, tanina waa sababta ay dadyow badan oo Dunida magac iyo saamayn leh ay u ahaayeen kuwo ku liita aqoonta qali-maalnimada, se ay u heleen qaacidooyin kale oo ka dhiga kuwo ka sarreeya qayrkoodii ay isku kursiga ahaayeen; Shaqaalaysiina u sameeyaan kuwii iyaga shalay imtixaanka qalin-maalnimada ka sarreeyey, waxa tusaale kuugu filan Billgates iyo dadyow badan oo kale.
Si aad ugu guulaysato nolosha, waxa aad u baahan tahay xirfado kala duwan!.

Waalidiinta waxa aan kula talinayaa in aanay qaasab kaga dhigin carruurtooda oo dhan in ay heer sare ka gaadhaan Waxbarashada Qalin-maalnimada sababta oo ah qof walba kuma wanaagsana tan, sababta oo ah qof walba Alle (S.W.) waxa uu siiyey mawhibo u gaar ah oo uu haddii uu ogaado dedaalna ku daro uu heer sare kaga gaadhi kara nolosha.

Dhammaan cid kasta oo danaynaysa horumarka Dalka iyo Dadkaba; gaar ahaan Madaxda wasaaradda Waxbarashada, waxa aan kula talinayaa in ay dhiirrigeliso samaynta Dugsiyo Farsamada gacanta ah, kuwaas oo inoo horseedi kara horumarka tiknoolojiyada iyo kor u kaca dhaqaalaha iyo waliba shaqo abuurka Bulshadeena.

 Mobile: 0634410163

COMMENTS
GOLIS TV
Highlights